|
|
Miina Baarayaashii u Kala Dhashay Wadamada Sweden iyo Danmark ee Shalay Ay Qabsadeen Xoogaga Maxkamadaha oo Gaarey Nairobi |
Ambaqaad-Labadii Nin ee u kala dhashay wadamada Sweden iyo danmark kana shaqaynayey baarista miinooyinka Degaanka Xudur oo maalnimadii shalay ay xoogagii maxaakiimtu ay qabsadeen ayaa maanta gaarey magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Kadib Markii lagu soo daayey wadalhadalo dhexmaray hay,adda UNka iyo kooxaha gacanta ku hayey labadaasi nin oo ahaa rag u shaqaynayey shirkad dhulka ka sifaysa miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa.
Magaalada Xudur ayaa maalinimadii shalay waxaa ka dhacay dagaal xoogan kadib markii ay xoogaga maxkamaduhu ay weerar ku qaadeen halkaasna ay kula wareegeen gebi ahaanba gacan ku haynta degmadaasi.
Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa dagaalo xoogani ay ka dhacayeen degaamo ka tirsan gobolo kala duwan oo ka tirsan Dalka, dagaaladaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac iyo barakac baahsan.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
10 |