Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Maxkamadaha Islaamiga Ururka Dib u Xoraynta iyo Odayaasha Dhaqanka Oo Ka Arinsanaya Xaalada Gobolka Hiiraan

Ambaqaad- Kulan looga hadlayay arimaha amaanka ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa magaalada Baladweyne ee gobolkasi ku yeeshay odoyaasha dhaqanka gobolkaasi, Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed iyo Isbeheeysiga Dib u xoreynta dalka Soomaaliya.

Xoghayaha arimaha Gudaha ee Isbeheeysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Baar Xasan Liif ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu ka war bixiyay Kulankasi waxa uu ku saabsanaa iyo waxa looga haday,

Waxaana uu sheegay in ay kala hadleen odayasha Xaalada Amaan ee magaalada iyo sidii wax looga qaban lahaa taasi oo ay ka wada shaqeyn doonaan maslaxada ummada Soomaaliyeed gaar ahaan beelaha dega gobolka Hiiraan.

Masuulkani ayaa sheegay in xiligan aysan wax dhibaato ah ka taagneeyn degmooyinka kale ee gobolka Hiiraan halkasi oo ay gacanta ku hayaan Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.

Xoghayaha arimaha Gudaha ee Isbaheysiga dib u xoreynta Cumar Xaashi Aadan waxaa uu sidoo kale sheegay in qorsha Isbeheeysiga iyo maxaakiimta Islaamiga uusan aheeyn in magaalada Baladweyne ay u magacaabaan maamul tan iyo inta Cadawga dalka laga saarayo ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyay Cumar Xaashi Aadan in ay shacabka ku dul dagaalamayaan hadii ay dib u soo laabtaan ciidamada Ethiopianka oo gabi ahaanba isaga guuray gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in lama huraan ay tahay in ay dagaal la galaan ciidamada Ethiopia balse shacabka ay u turi doonaan oo ay dhibaatada ka illaalin doonaan.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

11