Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Xaalada Degaanka Guriceel ee Ay Habeenimadii Xalay Dagaaladu Ka Dhaceen oo Saakay Degan

Ambaqaad-Waxaa saakay deggan guud ahaan xaaladda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo shalay gabbal dhicii uu iska hor imaad xooggan ku dhex maray ciidamada Itoobiya ee farisinka ka dhigtay goob caafimaad oo ku taalla duleedka Degmada Guriceel iyo xogaga kasoo horjeeda.

Dagaalka ayaa shalay gelinkii dambe billowday kaddib markii xoogaga kasoo horjeeda ay weerar qorsheysan oo aad u culus ay ku qaadeen fariisinka ay ciidamada Itoobiya ka sameysteen Degmada Guriceel, waxaana intii uu iska hor imaadku socday laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ay ciidamada Itoobiya ay bilaabeen inay mar kale madaafiic ku garaacaan guryaha ku yaalla degmada Guriceel.

Duqeynta ay ciidamada Itoobiya markii labaad u geysteen degmada Guriceel ayaa waxaa inta la og yahay ku dhaawacmay in ka badan 10 qofood oo dhaawacooda la geeyay isbitaalka Degmada Guriceel, waxaana dadka dhaawacmay ay isugu jiraan haween, caruur iyo dad da’ ah oo ay rasaasta iyo madaafiicdu ugu tagtay gudaha degmada Guriceel iyo goobo kale oo ka baxsan magaalada.

Sidoo kale duqeynta ay ciidamada Itoobiya u geysteen degmada Guriceel waxa ay dhalisay in goobo ganacsi iyo guryo oo ku yaalla degmada uu dab ka kaco halkaasna ay ku bas beeleen dhammaanba agabkii halkaasi yaallay maadaama aanay suurto gal ahayn in loo gurmado oo la damiyo, waxaana meelaha ay sida gaarka ah u saameeyeen duqeyntaasi ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ku yaalla halkaasi oo waxyeello ba’ans oo gaartay.

Dadka degmada Guriceel ayaa mar kale bilaabay inay u cararaan dhulka duurka ah ee ka baxsan degmada Guriceel si ay uga badbaadaan madaafiica ay ciidamada Itoobiya ku soo ridayaan guryaha, waxaana lagu soo warramayaa in saakay ay dadkii xalay ka cararay ay dib ugu soo noqonayaan guryahooda si ay bal u ogaadaan qasaaraha ka dhashay duqeynta ay ciidamada Itoobiya u geysteen.

Ma jiro wax rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee iska hor imaadka uu dhex maray oo caddaynaya qasaaraha soo kala gaaray labada dhinac, balse waxa uu dagaalka istaagay kaddib salaadii Makhribka kaddib markii Dagaal yahannada soo weeraray ay dib u gurteen, inkastoo ilaa xalay saqdii dhexe ay ciidamada Itoobiya ee halkaasi fariisinka ku leh ay ridayeen rasaas teel teel ah.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

12