Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Ciidamo Ka Tirsan Maxkamadaha oo Hawlgalo Burcad Sifayn ah Ka Bilaabay Gobolada Jubooyinka

Ambaqaad-Ciidamo taabacsan Midowga maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxay hawl gallo ay jidgooyo qaadis ay ka fuliyeen magaalooyinka Bu’aale, Harar iyo Afmadow oo ka tirsan gobollada Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose, sida uu sheegay Sheekh Cabdi Nuur Aadan oo ka mid ah culimaa’udiinka horkacayay ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee hawlgalladaasi fuliyay.

Sheekh Cabdi Nuur Aadan ayaa sheegay in hawl galka ay sameeyeen ay ku qaadeen in ka badan 100 isbaaro oo taallay waddada isku xirta magaalooyinka Bu’aale iyo Afmadow halkaasoo gaadiidleyda safarka ah lagu dhibaatayn jiray, wuxuuna ugu baaqay darawallada gaadiidak isticmaala waddooyinkaasi inay u soo gudbiyeen haddii ay arkaan wax jidgooyo ah oo waddada taalla.

Sheekha wuxuu sheegay in soo qab-qabteen inay soo qab-qabteen qaar ka tirsan maleeshiyada jidgooyada u tiillay isla markaana ay xabsiga dhigeen, isagoo intaa ku daray inay sii wadi doonaan hawl gallada ay waddooyinka burcadda uga sifeynayaan, wuxuuna mar kale ku celiyay gaadiidleyda inay iskaashi la sameeyaan ciidamada taabacsan midowga maxkamadaha.

Waa markii ugu horreysay oo hawl gallo noocan oo kale ay fuliyaan gobollada Jubbada hoose iyo jubbada dhexe ciidamo taabacsan midowga maxkamadaha Islaamka oo ay hor kacayaan culimaa’udiin Soomaaliyeed,waxaana haw galladaasi burcad sifeynta ah si aad ah u soo dhoweeyay gaadiidleyda isaga kala goosha degmooyinka gobollada Jubbada dhexe iyo jubbada hoose.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

13