|
Ambaqaad-Alaha u Naxariistee waxaa gabalgaabadkii shalay dil loogu geystay Magaalada Gaalkacyo nabadoon Yasiin Cali Barre (Fitilig) kadib markii ay kooxo aan haybtooda lagaran ay rasaas ku fureen xili uu nabadoonku ku suganaa aqalka uu ka deganyahay Magaalada Gaalkacyo.
Dilka nabadoonka ayaa waxa ay ka carasiisiisay dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka mudug, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay arin foolxun oo lagula kacay cuqaasha iyo wax garadka degaanka.
Wali lama oga sababta dilka loogu gaystay marxuumka lakin sida lagu waramyo waxa socda baaritano ku aadan cida ka dambaysa falka dilka loogu gaystay caaqilka, ayadoo aanay ahayn markii ugu horaysay ee falal noocaan oo kale ahi ay ka dhacaan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/Mudug.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
14 |