Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Munaasabada Baalaran ee Maalinta 1luulyo oo Laga Xusay Caasimada Muqdisho Tiro Hoobiyeyaal Ahna Lagu Soo Tuuray

Ambaqaad-Munaasabad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay 1-da Luulyo oo ku beegan 48 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya ka xoroobeen gumeystaha Talyaaniga iyo israacii labada gobol ee waqooyi iyo koonfur ayaa xalay waxaa lagu qabtay xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Munaabaddan oo uu soo qabnqaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro, xildhibaano iyo ku xigeennada duqa Magaalada Muqdisho ee dhinacyada arrimaha bulshada iyo amniga, waxaana munaasabaddaasi si wayn uga qayb qaatay oo ka dhex muuqday kooxda fanaaniinta Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo halkaasi kuu soo bandhigay heeso baraarujin ah iyo barnaamijyo kale oo madadaalo ah.

Waxaa munaasabaddaasi oo ay ammaankeeda si aad ah u sugayeen ciidamada booliska dawladda federalka Soomaaliya ugu horreynba hadal ka jeediyay ra’iisul wasaare ku xigeenka 1aad ahna wasiirka Garsoorka iyo Caddaalad Prof. Saalim Caliyow Ibrow oo hadalkiisa diiradda ku saaray dhinaca nabad gelyada, wuxuuna sheegay in xukuumadda federalka Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku xaqiijineyso ammaanka guud ahaan magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay shacabka Somaaliyeed inay dawladda kala shaqeeyaan sugidda ammaanka.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka federalka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore oo isna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa isna ka hadlay arrimaha dib u heshiisiinta iyo in gar-gaar loo fidiyo qoyaska barakacayaasha, wuxuuna mar uu ka hadlayay dhinaca db u heshiisiinta uu tilmaamay in dagaal waxba aan lagu qaban karin, isla markaana aanu dan ugu jirin shacabka iyo dawladda intaba, ayna habboon tahay in la heshiiyo oo si nabad ah lagu wada noolaado, wuxuuna dhanka kale ugu baaqay dawladda federalka Soomaaliya inay ka qeyb qaadato sidii gar-gaar loogu fidin lahaa kumanaanka qof ee barakacay gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.


Munaasabaddan xalay ka dhacday xarunta gaadiidka booliska Soomaaliya ayaa waxay ahayd mid aad uga duwan tii sanadkii hore ee lagu qabtay gudaha xarunta filla Somaliya taasoo ay ka qeyb galeen isla markaana ammaanka ay sugayeen ciidamada Itoobiya, waxaana xalay saqdii dhexe halkaasi lagu saaray calanka Soomaaliya iyadoo kooxda Miyuusigga ee Heegan ay halkaasi ku soo bandhigeen astaana calanka Soomaaliya.

Dhanka kale munaasabad tan la mid ahaa iyana waxay xalay ka dhacday guriga uu Magaalada Baydhabo ka deggan yahay guddoomiyaha baarlamaanka federalka Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) taasoo ay ka soo qeyb galeen labada gole ee dawladda federalka Soomaaliya, masuuliyiinta degmada iyo gobolka Bay iyo fanaaniin ka socotay kooxda Iftin ee wasaaradda Waxbarashada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo munaasabaddaasi hadal ka jeediyay ayaa wuxuu ugu baaqay shacab weynaha Soomaaliyeed inay ilaaliyaan midnimada iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday dhammaanba garabyada ka soo horjeeda dawladda federaalka inay u hogaansan qodobada heshiiska lagu gaaray dalka Jabuuti si loo soo afjaro kala fogaanshaha dhinaca fikirka iyo is jiid-jiidka siyaasadeed ee muddaba u dhexeeyay Soomaalida.

Abaarihii marka ay saacadu aheyd 6-da Habeenimo, kuna beegneyd calansaarkii ayaa waxaa la maqlay Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay, waxaana ay ahaayeen weeraro ay Xoogaga Hubeysan ay kusoo jaheeyeen Xafladaas.
Inta la ogyahay weerarkaas Madaafiicda waxaa ku dhintay 2 ruux halka labo kalena ku dhaawacmeen, sida ay ku warameen dad goob joogayaal ahi.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

16