|
|
Ciidamadii Itoobiya oo Isaga Guuray fariisin Ay Hore Uga Samayteen Degaaka Guri Ceel ee G/Galgaduud |
Ambaqaad-Ciidamada Itoobiya ee horaantii todobaadkan xarun ka sameystay goob caafimaad oo ku taalla duleedka Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa inay saakay gebi ahaanba halkaasi isaga baxeen iyagoo u jiheystay dhinaca degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadaasi Itoobiyaanka ay gaareen degmada Mataan ee gobolka Hiiraan, lamana oga in ciidamadaasi ay dib ugu noqonayaan fariisinkoodii Janta Kundishe ee duleedka Magaalada Beledweyne oo ay markii horeba ka yimaadeen iyo inay u jiheysan doonaan meelo kale.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa markii ay ka soo tagayeen degmada Guriceel waxay ahaayeen kuwo lugtooda isticmaalaya, waxayna markii ay gaareen Tuulada Cilmi Jawle kaddib ay bilaabeen inay fuulaan gawaarida ay wateen, waxaana intii ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya degmada Guriceel ay la kulmeen labo weerar oo culus oo ay ku soo qaadeen xoogaga kasoo horjeeda kuwaasoo dhaliyay in tiro labo jeer ay ciidamada Itoobiya madaafiic ku garaan degmada Guriceel.
Dadkii horay uga barakacay Magaalada Guriceel ee aaday dhinaca Miyiga si ay uga badbaadaan rasaata iyo madaafiicda ay ku soo ridayaan ciidamada Itoobiya ayaa saakay iyagoo koox-koox ah waxay dib ugu soo noqonayaan guryahooda, waxaana qaar ka mid ah dadkaasi ay ku soo xoomeen goobihii ay banneeyeen ciidamada Itoobiya ee duleedka degmada Guriceel.
Iska hor imaadka ku dhex maray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ciidamada Itoobiya iyo xoogaga kasoo horjeeda ayaa waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay 3 qofood oo isku qoys ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 qofood oo dhaawacooda lagu dabiibayo isbitaalka Degmada Guriceel, ayadoo uu iska horimaadkaasi sababay barakac baahsan oo ka dhacay degmada Guriceel kaddib markii dadkii degaankaasi halkaasi ay uga carareen dhulka miyiga ah ee ku teedsan degaankaasi.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
17 |