Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Kooxda Afduubka ku Haysta Qoyskii u Dhashay Wadanka Germany oo odayaasha Dhaqanka Ka Codsaday In Ciidamada Puntland Laga Dulqaado

Ambaqaad-Wararka ka imaanaya Magaalada dekada ah eeLaasqoray ayaa waxa ay sheegayan in burcadii afduubka ku haysta qoyska u dhashay wadanka Germany oo hada ku sugan buuraha Calomadow ee bariga fog in ay wada hadal la yeesheen odayaal dhaqameedka beesha Warsangeli isla markaana ay ka dalbadeen in laga dul qaado ciidanka Puntland ee ku hareereysan burcadaasi.

Magaalada Laasqoray ayaa ku sugan ciidan katirsan Puntland iyo wufuud uu hogaaminaaya gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, wasiiro, iyo saraakiil,Iyadoo lagu soo waramayo in ciidamada S/land ay iyaguna joogaan meel u jirta 30km Magaalada Laasqoray. Ciidankaas oo uu wato sarkaal lagu magacaabo Gurey Cismaan Saalax.

 

Odayaal dhaqameedka oo lakulmay madaxda iyo saraakiisha Puntland waxayna u sheegeen in wada hadalka iyaga iyo burcada uu meel wanaagsan u marayo. Isla markaasina ay ka balan qaadeen hadii ay dadka ajaanibta ah si nabad galya ah kusoo daayaan, in iyagana naftooda la badbaadin doono.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

18