Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Dagaal xoogan oo Ka Qarxay Degaamo ka Tirsan Gudaha Caasimada Muqdisho

Ambaqaad-Dagaal qaraar oo la isu deegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka qarxay qaybo katirsan degaamada gobolka Banaadir, dagaalkan oo u dhaxeeya cidamada Amisom oo kaashanaya kuwa dowlada iyo Xoogaga mucaaradka ah ee kasoo horjeeda.

Qybo kamid ah xaafadaha koonfurta Mqdisho ayaa madaafiic lagu harqiyey taas oo keeni karta inay khasaare xoogan soo gaarsiiso dadka ku dhaqan degaamada ay madaafiicdaasi ku habsadaan.

Iska horimaadkan ayaa waxa uu ka bilawday xaafada taleex, jidka tarbuunka kuna sii fiday isgoyska km4 ayadoo degaamadaas laga maqlayo dhawaaqa rasaasta iyo daryanka madaafiicda ay isu adeegsanayaan dhinacyada ishayta ee ay dirirtu u dhaxayso.

Ciidamada Itoobiya, kuwa Dowlada iyo kuwa Amisom ayaa waxaa maalmahaan weeraro xoogan ku soo qaada xoogaga mucaaradka ee la dagaalama ayagoo intabadan dagaladaasi ay khasare lixaadle u gaystaan dadka ka agdhow goobaha ay dagaladu ka dhacaan.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

19