Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Godoomiyihii Maxkamada Madaniga Magaalada Jowhar ee Xarunta G/Shabellaha Dhexe oo Xilkii Iska Casilay

Ambaqaad-Guddoomiyaha maxkamadda madaniga ah ee degmada Jowhar Sheekh Max’ed Axmed Xuseen ayaa saakay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka guddoomiyanimada maxkamadda maamulka madaniga ah ee degmada Jowhar.

Sheekh Max’ed Axmed Xuseen ayaa sababta uu xilkaasi isaga casilay ku sheegay inay tahay culeys kaga yimid dhinaca maamulka madaniga ee magaalada Jowhar kuwaasoo sida uu sheegay ka hor istaagay inuu xilka loo dhiibay uu si caddaalada ah u guto, wuxuuna intaa ku daray in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 02/07/08 aanu wax xil ah u haynin maamulka madaniga ee degmada Jowhar.

Guddoomiyaha maxkamadda maamulka madaniga ah ee degmada Jowhar oo xilkaasi hayay muddo bil ah ayaa sheegay in wada shaqeyn la’aan kaga timid dhinaca maamulka madaniga ah ee degmada ay dhalisay inuu xilkiisa si habsami ah u gudanwaayey. 

Guddoomiyaha maamulka Madaniga ee degmada Jowhar Sheekh Muuse Cumar Cabsi oo wax laga waydiiyay inuu is casilaaddaasi ka aqbalay guddoomiyaha maxkamadda maamulka madaniga ah ayaa sheegay inay arrintaasi kulan deg-deg ah ka qaadanayaan.

Maamulka Madaniga ah ee degmada Jowhar ayaa waxaa bil ka hor sameeyay saraakiil ka tirsan Midowga maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed kuwaasoo sidoo kale sameeyay ciidamo madani ah oo suga ammaanka Gobolka.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

21