Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Xaalada Degaanka Matabaan ee Shalay Dagaalada Culus Ka Dhaceen oo Maanta Degan

Ambaqaad-Wararka laga helayo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay saakay deggan tahay xaaladda tuulooyinka hoos yimaada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo ay shalay ka dhaceen iska hor imaad culus oo halkaasi ku dhex maray ciidamada Itoobiya iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda, dagaalkaasi oo qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaartay dhinacyadii halkaasi ku dagaallamay iyo dad rayid ah.

Inta la og yahay ilaa 15 qofood oo ka tirsanaa dadkii degganaa tuulooyinka ay dagaalladu shalay ka dhaceen ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen kuwaasoo la geeyay isbitaalka Istarliin ee ku yaalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana dhammaan dadka geeriyooday iyo dadka dhaawacmay ay ahaayeen dad rayid ah oo madaafiicda iyo rasaasta ay ugu tagtay degaankooda.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya ee shalay dagaalka ku qabsaday nawaaxiga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inay xalay ku hoydeen Tuulada Beergadiid, iyagoo saakay aroortiina halkaasi isaga soo ruqaansaday, waxaana lagu warramayaa in ciidamadaasi oo lugeynaya waddada hareeraheeda ay ku soo fool leeyihiin isgoyska Kalabayr oo qiyaastii 20 km dhinaca waqooyi kaga aaddan Magaalada Beledweyne.

Dad ku sugan tuulada Jiracle ayaa sheegaya in ay arkeen bur-burka gaari uuraal ah oo la jiidayo iyo gawaari kale oo dhiig ka daadanayey oo ay saaran yihiin maydadka askartii shalay kaga geeriyooday iska hor imaadkii matabaan, waxaana dadku ay sheegayaan in dhaq-dhaqaaq xooggan oo militari ay wadaan xoogagga ka soo horjeeda oo goobo badan oo ka tirsan gobolka isu qeybiyay,
 isla markaana isu diyaarinaya inay weerarro kala hor tagaan ciidamadaasi Itoobiya ee ku soo noqonaya gobolka Hiiraan.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

22