|
| Dowlada Itoobiya oo Mas,uuliyiinta Ugu Saraysa Dowlada Fedraalka Kala Tashanaysa Sidii Ay Ciidamadeeda Ugala Bixilahayd Somaliya |
Ambaqaad-Sida ay qortay wakaaladda Wararka ee SABA ee dalka Yemen, dawladda Itoobiya ayaa waxay waddaa dadaalladii ugu dambeeyay oo ay ku doonayso in ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya ay kala baxdo.
Wakaaladda Wararka SABA waxay sidoo kale sheegtay in Midowga Afrika uu dadaallo xooggan ugu jiro sidii uu ciidamo dheeraad ah ugu soo diri lahaa dalka Soomaaliya kuwaasoo beddeli doona ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Dawladda Itoobiya oo ciidamadeeda ay taageero laxaad leh siiyaan dawladda federalka Soomaaliya ayaa tallaabada ay ciidamadeeda kala baxayso dalka Soomaaliya waxay kala tashanaysaa madaxda sar-sare ee dawladda federalka Soomaaliya kuwaasoo haatanba ku sugan dalka Itoobiya.
Dadaallada ay dawladda Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya ayaa waxaa barbar socda dadaallo baaxad leh oo ay wadaan madaxda dawladda federalka gaar ahaan madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ka codsanaya Madaxda Midowga Afrika inay ciidamo dheeraad ah u soo diraan dalka Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiya ee soo galay dalka Soomaaliya dhammaadkii sanadkii 2006-da kuna sugan dalka Soomaaliya ku dhowaad labo sano ayaa waxay dalka Soomaaliya kala kulmeen qasaare fara badan, waxaana dalka Soomaaliya uga dhintay kumanaan askari halka kumaano kalena ay kaga dhaawacmeen.
Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
24 |