Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Qarax Xoogan oo Saaka Ruxay Magaalada Beladweyn ee Xarunta G/Hiiraan

Ambaqaad-Qarax aad xoogan ayaa saaka laga maqlay gudaha magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan qaraxaasi oo ka dhaca dhinaca bari ee Magaalada, lamana oga illaa iyo haatan cidda qaraxaasi lala bar tilmaameed saday.

Qarax kale ayaa shaqdii dhexe ee habeenkii xalay ka dhacay magaalada Balad weyn. qaraxaasi oo la sheegay in uu ka duwanaa kuwii hore ayaa laga maqlay goobo aad uga fog halka uu qaraxa ka dhacay, sida uu soo sheegay wariyaha Simba ee gobolka uga soo warama.

Qaraxa saaka ka dhacay magaalada Balad weyn, gaar ahaan qeybta bari inta la xaqiijiyey qasaaraha ayaa labo ruux ku geeriyootay, iyadoo dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ay ku warameen labada ruux ee geeriyootay ay ahaayeen labo habeen oo ku sugnaa agaaarka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxyadan ayaa noqonaya markii ugu horeysay tan iyo markii magaalada Balad weyn laga saaray maamulkii dowladda kMG ah u soo magacaawday xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Balad weyn.

Dadka ku dhaqan magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa habeenkii xalay si wayn uga walaacsanaa in dagaalo ay markale ka curtaan nawaaxiga magalada oo ay dagaalo culusi ay ka dhaceen.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

29