|
Soomaalida iyo Dhaqashada Xoolaha Nool |
Xoolaha ay soomaalidu dhaqato waa ay kala duwan yihiin waana ay kala faa,iido badanyihiin oo xoolahaasi waxaa u badan Geela,lo,da iyo Ariga waxaana laga helaa cad, caano, subag, iyo waxyaalo kaloo lamid ah.waxaa kale oo loo adeegsadaa gaadiid ahaan.
xoolahaas waxaa kamid ah geela oo ay dadka soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ahi aamin sanyiin in geelu uu siyaabo badan ugaga horeeyo xoolaha kale xagga waxtarka iyo dhaqashada.geela waxaa laga helaa cad iyo caano saafiya waana la rartaa.
waxaa intaa u siidheer markii qiimaha duunyada lagu kala bixinayo siiba magta,yaradka,haybadda iyo hanaankaba,waa kow waxaa kaloo geela amaantiisu ay ku dhantahay maansada soomaaliyeed.
waana xoolaha ay soomaalidu dhaqato kan ugu derajo sareeya waxaa kaloo uu kaga duwanyahay xoolaha kale adkaysiga xiliga jiilaalku jiro.
markii loo qiimeeyo xoolaha kalena neefka geelu wuxuu u dhigmaa afartan neef oo ariya, lo,dana afar ilaa shan neef oo lo,ah.waxaad halkaas ka garan kartaa qiimaha uu geelu leeyahay iyo wax tarkiisa mudan oo ay soomaalidu uga jecelyihiin xoolaha kale ee ay dhaqdaan.
Warbaahinta Ambaqaad
Ambaqaad Somali News Channell
Ambaqaadcom@hotmail.com
3 |