Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Xaflad Balaaran oo Lagu Xusayey Maalinta Xoriyada iyo Tan Calanka oo Ka Dhacday Magaalada Qaahira

Ambaqaad-Xaflad lagu kulmiyay Sadexda munaasabadood oo kala ah 27 jun oo ah maalintii ay xornimada qaatay dalka Jabuuti iyo 26 jun oo ah maalintii ay xoreebeen Gobalada waqooyi iyo 1da luulyo oo ah maalintey xoreebeen Gobalada koonfureed ee soomaaliya isla markaana midoobeen labada qeybood ee waqooyi iyo koonfur ayaa waxaa markii danbe ka dhacay fowdo aysan jecleysan dadkii kasoo qeyb galay oo salka ku hayay is qabqabsi udhaxeeyay madaxda naadiga ardada iyo urur dhalinyaro oo dhawaan lagaga dhawaaqay dalka masar oo lagu magacaabo SYO.

Munaasabada xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen naadiga ardada soomaaliyeed ee dalka masar ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee soomaaliya Dr.C/qaasim Salaad xasan iyo Duqii hore ee magaalada Muqdisho Dr.Xuseen cali axmed iyo mas'uuliyiin kale iyo dadweyne aad ufara badan waxaana ugu horeyn halkaasi Tix gabay ah kasoo jeediyay abwaan da'yar oo lagu magacaabo C/naasir Axmed kheyre (Abtiga) taasi oo uu ku cabirayay marxalada adag ee uu maanta ku sugan yahay dalka soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in ay ummadda soomaaliyeed gacmaha isqabsadaan.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi khudbad kasoo jeediyay Gudoomiyaha naadiga ardada soomaaliyed ee dalka masar C/qaadir kheyre oo ka hadlay qiimaha ay munaasabadahani ugu fadhiyaan umadweynta soomaaliyeed iyo sida loogu baahan yahay in mar walba la xasuusto oo aysan ka tirmin maskaxda da'yarta soomalaiyeed.

Kadib waxaa halkaasi khudbad dheer kasoo jeediyay madaxweynihii hore ee soomaaliya Dr.C/qaasim salaad xasan oo ku dheeraaday taariikhda halgankii loosoo galay xornimada iyo sida ay umada soomalaiyeed naftooda ugu hureen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryad gumeysiga.

"Ma ahan wax dheel dheel ku yimid xornimada ee waxaa naftooda uhuray geesiyaal soomaliyeed oo geed gaaban iyo mid dheerba ufuulay sidii ay gumeysiga uga saari lahaayeen ciida soomaaliyeed isla markaana ay umideyn lahaayeen guud ahaan soomaali weyn"Ayuu yiri Dr.C/qaasim salaad xasan isagoo si weyn uga sheekeyay Halgankii ay hormoodka ka ahaayeen geesiyadii Axmed Guray iyo Sayid maxamed Cabdule xasan oo uu ku tilmaamay halgamayaal aan la hilmaami karin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu sidoo kale kudheeraaday taariikhda ururkii gobanimadoonka SYL iyo sidii ay ugu guuleysteen in ay gobalada koonfureed e dalka uga xoreeyaan gumeystihii talyaaniga iyo ururadii kale iyo halgamayaashii ka jiray Gobalada waqooyi, soomali galbeed, NFD iyo jabuutiba.

Sidoo kale Dr.C/qaasim intii uu khudbadiisa waday waxa uu amaan balaaran usoo jeediyay dowlada masar oo uu ku tilmaamay in ay siweyn uga qeyb qaateen halgankaasi dalka lagu xoreynayay.

"Aniga kontomeeyadii waxaan imid qaahira waxaana ay xukuumada masaarida magaalada ka hirgalisay idaacad ku hadli jirtay afka soomaaliga oo dhiirigalin usameynjirtay halgankii xornimadoonka iyagoo masaaridu hiil iyo hooba lagarabtaagnaa shacabka soomalaiyeed"Ayuu yiri Dr.C/qaasim oo ka codsatay dadkii faraha badna ee kasoo qeybgalay xaflada xalay in ay u ogolaadaan in uu umahad celiyo Xukuumada masar oo uu uhoreeyo Madaxweyne mubaarak iyo shacabka reer masar.

Xafladaasi loogu dabaaldagayay maalmaha xornimada soomaalida ayaa intii ay socotay waxaa gabagabadeedii hareeyay buuq iyo fowdo salka ku hayay isqab qabsi udhaxeeyay mas'uuliyiinta Naadiga ardada soomaaliyeed ee dalka masar iyo Urur dhalinyaro oo dhawaan lagaga dhawaaqay dalka masar SYO kadib markii ay mas'uuliyiinta naadiga ardada soomaaliyeed ee dalka masar dhibsadeen wareysi ay saxafiyiin soomaali ah gudaha hoolka kula yeelanayeen madaxda ururkaasi kadibna ay korontadii ay adeegsanayeen ka jareen taasi oo keentay fowdo ku cayaartay gabagabadii munaasabadan.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

7