Ambaqaad Somali News Channel     

 

 

 

Weeraro iyo Duqayn sababay Khasaare Lixaadleh oo Ka Dhacay Degaanka Guriceel ee G/Galgaduud

Ambaqaad-Iska hor imaad hubeysan oo muddo kooban socday ayaa xalay fiidkii waxa uu ku dhex maray Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay gaaray degmada Guriceel iyo dagaal yahannada Al-shabaab, weerarkaas  oo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee dirirtu dhex martay iyo dad kale oo rayid ah oo rasaasta iyo madaafiicda ugu tagtay guryahooda.

Weerarkaasi oo ay sheegteen dagaal yahannada Al-shabaab ayaa waxa uu marka hore ku billowday bambaanooyinka gacanta laga tuuro, qoryaha garabka laga rido ee loo yaqaano baasuukaha iyo rasaasta qoryaha darandooriga u dhacda kuwaasoo ay ku weerareen ciidamada Itoobiya, waxaana iska hor imaadkaasi oo socday qaddar daqiiqado ah laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo markii dambe ay dib isaga gurteen xoogagga Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday.

Dagaalka markii uu istaagay kaddib ayaa ciidamada Itoobiya waxay bilaabeen madaafiic ay la beegsanayaan guryaha ku yaalla degmada Guriceel, waxaana madaafiicdaasi oo ku dhacday goobo badan oo degmada ka mid ah ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah, waxaana lagu soo warramayaa in hal madfac uu ku habsaday guri ku yaalla bartamaha degmada Guriceel, waxaana halkaasi ku geeriyooday labo ruux oo midi haweeney tahay, waxaana ku dhaawacmay saddex caruur oo kuwaasoo dhammaantood ka soo wada jeeda hal qoys.

Markii ay duqentaasi bilaabay ayaa dadweynihii ku dhaqnaa gudaha Degmada Guriceel waxay u firxadeen bannaanka magaalada halkaasoo ay xalay oo dhan ku sugnaayeen, waxaana saakay markii uu waagu baryay ay dadkii qaarkiis bilaabeen inay dib ugu soo noqdaan guryahooda iyadoo ay xaaladdu saakay tahay mid aad u deggan, mana jiraan wax hawl gallo baaritaan ah oo ay ciidamada Itoobiya ee xalay la weeraray saakay samaynayeen.

Dagaalka oo ka dhacay fariisin ay ciidamada Itoobiya oo shalay gelinkii dambe gaaray degmada Guriceel ay ka sameysteen goob caafimaad oo ku taalla duleedka koonfureed ee degmada Guriceel ayaa waxa ay Xoogaga Al-shabaab oo iyagu sheegtay weerarkaasi ay sheegeen inay qasaare laxaad leh gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, waxayna dhankooda sheegeen inuu halkaasi uga geeriyooday hal ruux, mid kalena uu ka soo gaaray dhaawac fudud.

Wararka iyo xaaladaha ugu dambeeya kala soco  Ambaqaad

Ambaqaad Somali News Channell

Ambaqaadcom@hotmail.com

8