|
Ambaqaad News Channell
Wararka maanta: Wararkii ugu Dambeeyey Kulanka Isimada SSC Uga Furmay Degaanka Hol-hol ee Gobolka Sool.
Wararka aan ka helayno kulanka Isimada Dhulbahante oo shir uga furmay degaanka Hol-hol ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen maleeshiyad taageera maamulka Hargaysa oo uu horkacayo ninka ugu magacaaban gudoomiyaha Gobolka Sool Farax askar.
Kulankan Hol-hol ayaa waxaa ku sugan inta badan Isimada Beelaha Dhulbahante oo kasoo kala ambabaxay degaamo kala duwan, waxaana kulankan sida laguwado lagu jeex-jeexi doonaa arrimaha quseeya degaamada Beeshu degto oo baryahan dambe ay ka taagnayd kala qaybsanaan siyaasadeed oo beesha dhexdeeda ah.
 
Maleeshiyaadkan kasoo dhaqaaqay dhanka Magaalada Laas-caanood ayaa goordambe soo dhoobtay halka uu kulanka uga socday Isimada Dhulbahante. waxaana warararku intaasi ku darayaan inaan wax iska-horimaad ah dhicin inkastoo saacadkasta la filankaro in gacan kahadal ay sababi karto imaanshiyaha maleeshiyaadkan oo lagu waramay in ujeedkoodu ahaa baajinta kulan loowada dhanyahay oo ay wada qaataan Isimada Beelaha SSC ee Dhulbahante.
Maleeshiyaadka gobolka sool ayaa sidoo kale maanta soo dhoobtay meel aan sidaasi uga fogay halka lagu magacaabo Tuka-Raq oo saldhig u ah Ciidamada Puntland, warka ayaa waxaa uu ku darayaa inuu jiro dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay wadaan dhankooda cutubyo katirsan Kuwa Puntland.
Xaalada cakiran ee Gobolka Sool ayaa mudooyinkan dambe sare uu sii kacday, ayadoo ay siyaasiyiinta kala afkaarta duwan ee Gobolkuna si weyn ugu kala qaybsameen soo galitaanka Laas-caanood maleeshiyaadka kaTaageera Maamulka Hargaysa.
Wixii kasoo kordha kala soco wararkeena dambe
Ambaqaad News Desk
|