Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska dowlada Kmg oo saakay lagu dilay magaalada muqdisho.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Somaliyeed ayaa saakay lagu toogtay isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho, ka dib markii kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay jidka u gashay.
Cornelka oo lagu sheegay magaciisa Maxamed Cali Qalaf ayaa dhaawac xun oo ka soo gaaray rasaas ay ku fureen kooxahaasi waxa uu ugu geeriyooday Isbitalka Madiina sida ay sheegeen kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee isbitaalka madiina.
Ilaa iyo haatan lama yaqaan kooxaha falkaan geeystay, sidoo kale ma jiro war ka so baxay dowladda Somalia oo ku aadan arintaan, laakiin waxaa macquul ah dowladda in maanta ay ka hadasho.
Dilka loo geeystay Cornel Qallaf ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli shalay askari ka tirsan ciidamada booliska Somaliyeed dil loogu geeystay Isgoyska Manabolyo ee magaalada Muqdisho.
waa dilkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lala beegsado saraakisha booliska dowlada kmg tan iyo markii dowlada ay u guurtay magaalada muqdisho.
C/qaadir Axmed
Ambaqaad.com